Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Jubbaland oo maanta kormeer ku tagay Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka shaqeeya Jubbaland.

1132

Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta, Boostada iyo Tiknoolijiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka duulaya dhaqan galinta xeerka Isgaarsiinta Jubbaland ayaa waxaa uu booqasho ku tagey xarumaha Isgaarsiinta ee gaarka looleeyahay ee ku yaal magaalada kismaayo.
Booqashada waftiga uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa waxaa ujeedkeedu ahaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqeenta u dhaxeesa dowladda iyo xarrumaha Isgaarsiinta gaarka loo leeyahay, waxaana uu wasiirka booqashadiisa maanta ku tagey labo shirkadood ee isgaarsiineed oo kala ah, Shirkada SOMNET iyo Shirkada isgaarsiinta SOMTEL, waxaana ay u kuur galay adeegyada ay shirkadahani u hayaan bulshada.

Cabditaajir Muxumed Qaliif oo ah maamulaha shirkada isgaarsiinta SOMTEL ee Wasaaradu maanta booqatey ayaa soo dhoweeyey booqashada uu maanta wasiirka ugu yimid.
‘’Waxaan soo dhoweeneena, wasiirka isgaarsiinta oo farxad inoo ah, inuu noo imaado maanta booqasho shirkadeena Olympic ku taalo SOMTEL HeadQuarter HG ga’’ sidaa waxaa Radio Kismaayo maamulaha shirkada SOMTEL ee magaalada kismaayo Cabditaajir Muxumed Qaliif.
Sidoo kale maamulaha Shirkada SOMNET ee magaalada kismaayo Muniir Sheikh Qadar ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay booqashada wasiirka ee maanta uu ku tagey xarunta shirkada isgaarsiinta SOMNET.

 
‘’ Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaad soo booqataan, runtii farxadanada lama koobi karo, wasiirki iyo wasaaradi oo isku duuban ee noo imaadaan ee na soo booqdaan farxad weyn bay noo tahay’’ sidaa waxa yiri maamulaha shirkada SOMNET.
Ugu dambeyn wasiirka wasaarada isgaarsiinta, boostada iyo tiknoolijiyada Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo dhankiisa warbaahinta la Hadley ayaa faahfaahin ka bixiye booqashada ay maanta ku tageen xarumaha isgaarsiinta gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya magaalada kismaayo.
‘’ socdaalkayagu wuxuu qeyb ka yahay kormeer iyo qiimeen aan maalmahan dambe ku sameeneenay, shirkadaha isgaarsiinta ee ka howl gala degmadan kismaayo, waxaan horay usoo marney shirkadaha Hormuud, Amtel, iyo shirkada la yiraahdo SOMNET’’ ayuu yiri wasiirka wasaarada isgaarsiinta Jubbaland.