Wasiirka Caafimaadka XFS oo la kulantay Danjiraha Finland ee Soomaaliya

735

wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Danjiraha dalka Filand u qaabilsan Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Eritrea, Amb. Erik Lundberg.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi is-afgarad ,waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dalal,gaar ahaan sidii wasaaradda caafimaadka gacan looga siin lahaa dhanka caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay danjiraha dadaalka ay Dowladda Finland ka waddo Soomaaliya iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda caafimaadka.