Kulan looga hadlayay isdiiwaangelinta iyo tayaynta waxbarashada Diiniga ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caddaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland

917

Kullanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda caddaaladda, awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka wasaarada iyo ku xigeenkiisa, howlwadeennada wasaaradda iyo maamulayaasha  macaahidda diiniga ah ee ku yaala magaalada kismaayo.

 

Kullanka ayaa wuxuu ku saabsanaa sidii ay isku diiwan galin lahaayeen  macaahidda lagu barto diinta ee ka shaqeeya magaalada Kismaayo iyo macallimiinta ka howl gala  iyo sidii tayada warbarashada dhanka diinta kor loogu qaadi lahaa.

 

Qaar kamid ah macallimiinta macaahidda diiniga ah ee Kismaayo oo goobta ka hadlay  ayaa soo dhoweeyay qorshaha wasaaradda ee diiwaangelinta iyo tayaynta waxbarashada diiniga ah ee magalada Kismaayo.

Kulanka markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Mudane Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar isagoo ka warbixiyay kulanka ay la yeelay maamulka iyo bareyaasha xarumaha lagu barto diinta ee magaalada Kismaayo.

 

Wasaaradda caddaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland ayaa dadaal ku bixinaysa sidii loo xoojin lahaa tayada waxbarashada dhanka diiniga ah ee dugsiyada Kismaayo.