Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Jubbaland oo daah-furtay shirka wadatashiga Wasaaradda iyo Jaamacadaha,

101
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland Maxamed Nuur Cali ayaa maanta magalada kismaayo ka daah-furay shirka wadatashiga Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland iyo Jaamacadaha degmada Kismaayo kaasi oo looga hadlayay hormarinta Xoolaha.
Furitaanka shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudomiyaha gudiga fayadhowrka Golaha Wakiilada Jubbaland Xildhibaan Cali Cabdi Maxamud, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda,
Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Muqtaar Kaamil, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland mudane ibraahim Cabdi Xasan qaar kamid ah ardaydii iyo macalimiin kasocday Jaamacadaha Kismaayo iyo marti sharaf kale