Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in qabyaaladda ay saameyn ku leedahay dowladnimada Soomaaliya

924

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam oo qudbad ka jeediyay munaasbaddii lagu dhaarinayay golaha xukuumadda Jubbaland ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay Soomaaliya uga hiregeli la’dahay dowladnimo xoog leh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha goleyaasha deegaanka, xukuumadda iyo baarlamankaba ay ka bixi waayeen in lagu soo xulo hannaanka qabiilka, taasina ay keentay in masuulka xilka ku helo qabiil in uu u qaato cidda uu u shaqeeynayo in ay tahay beesha kursigaasi  geeysay.

Madaxweynaha ayaa xusuusiyay golaha xukuumadda waxyaalihii ay ku dhaarteen in aysan ku jirin in uu qabiil u shaqeeyo, balse ay tahay in danta guud uu ka shaqeeyo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa intaa ku daray in beeluhu waxa ugu badan ee ay madaxda kala hadlayaan ay tahay kursiga cidda ugu fariisan layayd taasoo uu sheegay in xulashadadeedu aysan reerku lahayn, isagoo kula dardaarmay madaxdu mar walba xusuustaan waxa ay ku dhaaranayaan.

Hoos ka dhageeyso Warbixinta;