Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Xubno ka tirsan Maleshiyada Al-Shabaab

1115

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 7/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayaa sida Maraykanku sheegay waxay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu sheegay kuxigeenka Taliyaha Howlgalada Taliska AFRICOM Janeraal Miguel Castellanos.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya,waxaana bilihii ugu dambeysay duqeyntii ugu badneyd uu ka fuliyey Gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.