Galmudug iyo Puntland oo heshiis kala dhex-dhigay Beelo dagaalamay

529

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali iyo  Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa maanta Shir-Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Guddiyada Amniga Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Kulanka maanta ayaa daba socday kulamo lagu xalinayay Colaado iyo dirir Dad Soomaaliyeed ku dhinteen kuwaas oo dhax martay beelo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iyadoona kulan kan uu ka dhacay Hotel Five-Star ee Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Maamulka Gobalka Mudug  iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo odayaasha Dhaqanka ayaa heshiis looga gaaray  dhibaatooyinkii iyo dilalkii ka dhashay Colaada ka dhex socotay beela Walaalaa iyadoona heshiis lagu kala saxiixday isla Madasha oo ay fadhiyeen Nabadoonada iyo Odoyaasha labada Beelood.

Heshiiska Maanta ayaa noqanayaa kii 4aad ee lagu guulaystay tan iyo Markii lasoo magacaabay Maamulka Gobalka Mudug ee uu Hogaanka ka yahay Faysal Sheikh Cali , sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka gobolka Mudug ee Puntland.