Munaasabad lagu soo dhawaynaayey wasiirka cusub ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay.

1057

Munaasabad lagu soo dhawaynaayey wasiirka cusub ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland mudane Aways Maxamed Xassan ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Munaasabada soo dhawaynta ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland.

Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay Cabdirahmaan Cabdullaahi Ahmed (Suufi)oo ah xoghaya xiirirka kubada cagta Jubbaland.

Dhanka kale Aamino Cabdi Cali oo ah gudoomiyaha madasha is dhaxgalka dhalinyarada soomaliyeed ee kalsan ayaa sheegtay in Wasiir Aweys Maxamed Xusen uu yahay shaqsi u qalma  masuuliyada loo dhiibtey kana soo bixi kara.

Agaasimaha qorsheynta madaxtooyada Cabdiasiis Maxamed Xassan (Ilkacase)oo ugu danbeen madasha ka hadalay ayaa sheegay in madaxweynaha Juballand uu u hiliyay dhalinyarada  reer Jubbaland maadaama uu xilki ugu dhiibay wìil dhalinyara ah oo u qalma