Qatar Iyo XAMAAS Oo Ka Wada Hadlay Xabbad-Joojintii Dagaalkii Qasa

918

Madaxa Siyaasadda ee Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Dr. Ismaaciil Haniyah iyo Wafdi uu horkacayo oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay caasimada dalka Qatar ee Doha ayaa waxaa uu Maanta la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Althani.

Kulankaasi ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Amiirka ee Amiiri Diiwaan, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA.Dr.

Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa uu ka mahadceliyey dadaalka Amiir Tamiim ee Xabbad-joojintii laga gaaray dagaalkii XAMAAS iyo Israel ee Qasa.

Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ayaa waxa uu horey mahadcelin u jeediyey Dowladaha Masar iyo Iran, isagoo xusay inay u muujiyeen Taageero Siyaasadeed.