Jubbaland & Midowga Afrika oo ka wada hadlay Arrimaha doorashada

713

Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee dawlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa kulan is xog waraysi ah oo aaladda fogaan araga loo adeegsanayo la qaatay masuuliyiin ka socda Midawga Afrika.

Kulankan oo ahaa mid xaqiiqo raadin ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo ciidamada qalabka sida ee dalka, nidaamka federaaliismka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta bulsho, xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo is kaashiga laamaha amaanka dalka iyo ciidammada hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ee dalka ku sugan.

Xubnaha Midowfa Afrika ayaa waxaa la filayaa inay kulamadooda sii joogteeyaan, sidoo kalena ay kulamo kala duwan la qaataan Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.