Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Jubbaland oo qabatay munaasabada 15-Ka May,

115
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Jubbaland ayaa soo qaban qaabisay munaasabad lagu weyneynayo Maalinta Dhalinyarada Somaliyeed oo ku beegan 15-Ka May ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo,
Xafladan sida heerkeedu sarreeyo loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha Wasiirada Jubbaland, Xilidhibaano, dhalinyaro, iyo qeyybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalada Kismaayo,
Masuuliyiintii madasha hadalka ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay maalintan waxa ay ka dhigantahay, iyagoona xusay in ay dhalinyaradu badbaadinta dalka door wax ku ool ah ku lahaayeen, sidoo kalena ay hadda lafdhabar u yihiin hormarka guud ahaan dalka ka socdo iyo gaar ahaan hormarka ay Jubbaland ku tallaabsatay