Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Minneapolis ee Mareykanka

955

Rag hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad ayaa xalay waxaa ay goob Ganacsi oo uu ka Shaqeeynayay ku dhex dileen Muwaadin Soomaaliyeed Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu Magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Baqarre ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay dhowr Xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa , xilli uu ku sugnaa Goob Ganacsi oo ku taala xaafada ay Soomaalidu degto ee Cedar-Riverside ee dalka Mareykanka, isaga oo kamid ahaa Shaqaalaha Xawaaladda Taaj.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Xaafada dilka uu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in liibaan uu u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda u geysteen, waxaana uu sheegay in Ciidamada Booliska ay wadaan baaritaan la xiriira Kooxaha doonaya inay dhaca geystaan ee dilay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Dhowr jeer ayaa waxaa muwaadiniin Soomaaliyeed dilal kala duwan loogu geystay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka walow sanadihii dambe ay soo yaraanayeen dilalka Soomaalida.