Ciidanka xoogga dalka oo Sh/Hoose ku dilay dagaalamayaal ka tirsanaa Maleshiyada Al-Shabaab

1102

Saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howgal ay ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka  Shabeelada Hoose ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Ugunji oo hoos tagta deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Iska horimaad ka dhaacy deegaankaas waxaa sarakiisha xooga dalka waxa ay sheegeen in ay halkaas ku dileen 11 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shaabab, sidoo kale ay ku dhaawaceen 15 kale.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay inay halkaasi ku gubeen gaari Cabdibile ah oo uu saarnaa qori Dhashiike ah oo ay wateen dagaalamayaashii weerarka lagu dilay ee Al-Shabaab.