
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ee magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka Dowlada Ingiriska u qaabilsan Somaaliya Mr. Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku soo gaaray Jubbaland.
Madaxweynaha iyo Danjire Mike Nithavrianakis ayaa wada hadlay iskaashiga arimaha Horumarka, Amniga, gargaarka iyo xal u helidda musiibooyinka so noqnoqda.
Waxaa kale oo laga wada hadlay wax yaabaha hortabinta u leh geedi socodka Dowladnimada Soomaliya sida dhameystirka dastuurka iyo qorshaha la dagaalanka Khawaariijta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







