Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Ku xigeenadiisa oo la doorty

1005

Cabdixakiim Luqmaan ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamanka  maamulka Hirshabeelle ka dib doorasho goor dhow ka dhacday Magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle.

Luqmaan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii taageerada ka helayay Villa Soomaaliya sidda ay horay u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Waxaa uu helay 78 cod.

Sidoo kale Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle xilli doorashada ay ku socoto Magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale maanta doortay gudoomiyaha baarlamaanka oo loo doortay Cabdixakiin Luqmaan.

Dhanka kale Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow doortay gudoomiye ku xigeenka labaad  ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxaana uu ka guuleystay Canab oo horay u aheyd gudoomiye ku xigeenka labaad.

Kurigaan ayaa ahaa mid si weyn isha loogu hayay iyadoo Canab ay kursiga ugu fadhiday awood qeybsiga degaanka Jawiil, waxaana ay isku degaan yihiin Mahad taliyaha NISA.

Mahad ayaa horay usoo noqday Wasiirka warfaafinta Hirshabeell