dowlada ingiriiska oo abaalmarisay Sarkaal howlo Ciidan ugu fuliyay Soomaaliya.

965

Rod Hansen oo ah Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gloucestershire ee Dalka Ingiriiska ayaa la siiyay abaalmarinta boqortooyo ee lagu maamuuso shaqsiyaadka waxqabadka wanaagsan ee dalkaas iyo waddamada kale maamul ahaan u hoostaga.

Ninkaan lagu abaalmariyay kadib markii door wanaagsan uu ka qaatay howlaha dhanka Ciidanka gudaha iyo dalalka ka baxsan sida Soomaaliya, Kenya iyo Uganda oo uu khibrado ciidan ku biiriyay.

Hansen ayaa hantay biladdaan oo soo jireen ahayd tan iyo 19-kii May 1954-tii, lana guddoonsiinayay shaqsiyaadka waxtarka muuqa ka dhex sameeya ciidamada kala duwan ee ingiriiska.

Muddo 31-sano ah ayuu ku howlanayaa shaqada Booliiska, waana waaya-arag kasoo baxay kaalintiisa mas’uuliyadeed ee la xiriirta shaqada Ciidanka gudaha iyo waddamada ka baxday Britain.

Abaalmarintaan waa mid u gaar ah Boqoradda UK oo siisa shaqsiyaadka soo jiita waxqabadkooda wanaagsan, waxaana ay u garatay Rod Hansen in uu haatan mudan yahay in la guddoonsiiyo.

“Intii uu Rod Hensen ku guda jiray howlahaan lagu dalacsiiyay ee lagu abaalmariyay waxa uu soo qabtay shaqooyin kala duwan, waaxyaha ciidanka ee dabagalka ayuu kasoo shaqeeyay, waa lataliye wanaagsan, Soomaaliya, Uganda & Kenya ayuu siiyay khibrado ciidan” Sidaasi waxaa lagu yiri war laga soo xigtay mid kami.d ah saraakiisha UK

Taliye Hensen ayaa ka mahadceliyay abaalmarinta Boqoradda UK ee uu ku muteystay waajibaadkiisa shaqo, isaga oo sheegay in tallaabadaan ku dhiiragelineyso laba-laabka howlaha uu hayo.

“Shaqada Booliisku waa mid adag, Shaki la’aan tani waxa ay iga caawineysaa in aan waajibaadkeyga u sii guto sidii ay ahayd, waxa aan shacabka u adeegayaa aniga oo faraxsan oo heysta abaalmarintaan ka tarjumeysa shaqooyinkii aan qabtay” ayuu Rod Hansen.

Ingiriiska Waxaa Soomaaliya gaar ahaan deegaannada DG Koofur Galbeed ka jooga saraakiil u badan tababarayaal Ciidan & la taliyaal dhanka amniga ah oo taageera maamulkaas.