
Alle ha u naxariistee waxaa salaadii Jimcada ka dib qarax lala beegsaday ku dhintay gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay wiil uu adeer u ahaa gudoomiyuhu, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6-ruux oo ay ku jiraan ilaaladiisa qaar ka mid ahaa.
Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Masjid u dhaw Xarunta Maamulka Degmada Kismaayo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







