Shirka golaha Amniga Jubbaland oo looga hadlay qodobo xaas xaasi ah

215

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay qaar ka midda golaha wasiirada Jubbaland oo ka tirsan  golaha amniga, gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose , Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga Jubbaland iyo howlgaldii Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ay ka waddeen gobolka Jubbada hoose ee lagu soo afjaraayey kooxa argagixisada.

Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland ayaa ciidamada Jubbaland,kuwa xooga dalka iyo ciidamada kale ee caawinaya ku bogaadiyey sida ay kooxda argagixisada Al-shabaab uga xoreeyeen deegaanka Janaay Cabdalle oo 60km u jirta Kismaayo.