Raaskambooni: Tababar Muhiim ah oo Booliska Jubbada Hoose loogu furay Baarista Tacaddiyada ku Saleysan Jinsiga

0
172

Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, oo uu wehliyo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degaanka Raaskambooni, Maxamed Cabdikariim Raage, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo ku saabsan baarista dambiyada la xiriira tacaddiyada ku saleysan jinsiga kaas oo loo qabanayo ciidamo ka tirsan booliska ee ka howlgala degaanka.

Tababarkan, oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa door weyn ka qaadan doona horumarinta tayada shaqo ee ciidanka iyo kor u qaadista habraacyada cadaaladeed ee la xiriira kiisaska xasaasiga ah.

Sidoo kale, munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Booliska, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Amniga, iyo xubno ka tirsan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqda aadanaha.