Dadwaynaha Kismaayo oo aragtidooda ka dhiibtay Shirka Baydhabo.

0
1274

Dadwaynaha Magaalada Kismaayo ayaa hadlay sida ay u arkaan shirka gaarka ah ee magaalada Baydhabo maanta uga furmaya Madaxwaynayaasha Galmudug,Hiirshabeele,iyo Koonfur Galbeed,madaxdaas oo madaxwaynaha Qaranka Maxamed Cabdullahi farmaajo ugu yeedhay magaalada Muqdisho ayaa inta aysan tagin waxaa ay shir gaar ah ku yeelanayaan magaalada Baydhabo.

Qaar ka mida dadka ku nool magaalada Kismaayo oo aan waydiinay aragtida  ay ka qabaan shirka Baydhabo ayaa sheegay in ay suurta-gal tahay in ay ka tashanayaan mirihii ay ka Soo saareen, Shirkii Dhuusamareeb-3 maadama dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay doonayaan in wax laga badalo qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3