Sirdoonka Jarmalka oo sheegay in Iran ay dooneeyso in ay horumariso Barnaamijkeeda Nuclearka

946

Xukuumadda Tahran ayaa ku howlan tayayenta hubka sida ba’an wax u gumaada iyo Farsamada gantaallada caagga ka sameeysan tan iyo sanaddii 2019, sida laga soo xigtay hay’adda sirdoonka Jarmalka.
Waaxda Saarland ee ilaalinta dastuurka ayaa sheegtay in xukuumadda Iran ay kamid tahay sedexda dalka ee ajnabiga ah ee doonayay in hubkooda sida ba’an wax ku gumaada ay ku hormariyaan dhulka Jarmalka.

Xogaha dhinaca  sirdoonka  oo ka kala yimid gobollo kala duwan ayaa xaqiijiyay in isku dayga Iran ee ah in ay iibsato walxaha loo isticmaalo horumarinta gantaallada Nuclearka intii lagu jiray sanaddii 2019.

Mid kasta oo kamid ah 16-ka maamul goboleed ee Jarmalk ayaa heysta waax sirdoon oo u gaar ah, taasoo warbixinnada la xiriira sirdoonka la wadaagta dowladda dhexe ee dalkaasi.

Tusaale, bogga 181-aad ee warbixinta sirdoonka maamul goboleedka Baden-Wurttemberg ayaa lagu sheegay in dalal ay kamid yihiin Iran, Pakistan iyo Waqooyiga Kuuriya ay dadaal ku bixinayaan sidii ay u tayeyn lahaayeen farsamooyinka lagu horumarinayo hubka wax gumaada.
“Waxay doonayaan in ay dhameystiraan hubkooda, si ay sare ugu qaadaan awooddooda iyo saameynta hubkooda iyo in ay horumariyaan farsamooyin cusub oo casri ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Mareeykanka iyo dalal badan oo ku yaal qaliijka ayaa aaminsan in xukuumadda Iran ay sanado badan baadigoob ugu jirtay in ay horumariso hubkeeda Nuclearka.