Kullan balaaran oo looga arinsanayay abaaraha oo lagu qabtay degmada Luuq ee Gobalka Gedo

0
221
Xafiiska Gobalka Gedo ee Wazaarada Qorsheynta maalgashiga iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga oo Kaashanaya maamulka Degmada Luuq ee Gobalka Gedo ayaa soo agaasimay Kulan Looga Hadlaayay Gurmadka Abaaraha oo ka Dhacay xafiiska Degmada
Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Isuduwayaasha Wasaaradaha Jubbaland ee Gobolka Gedo iyo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala degmada
kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlayay sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, sameynta qiimeyn degdeg ah iyo dardargelinta taakuleynta dhinacyada biyaha, cuntada iyo caafimaadka.
Madasha Dowlada iyo hay’adaha ayaa isku raacay in la mideeyo dadaallada si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ee ku dhibaataysan abaaraha.