Saraakiil ka tirsan ciidanka xogga oo Dhoobley tababar uga furmay.

1184

Wafti ka socda Wasaarada gaashandhiga Somaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Dhoobley ayaa Tababar ku saabsan arimaha xuquuqul insaanka  iyo in aan la askarayn caruurta ka yar da’ada 18 sanno u qabtay ciidanka xooga dalka qaybta 43-aad ee kow iyo tobnaad ee deegaanka Dhoobley.

Taliyaha  guutada 11 ee qaybta 43  oo goob jog ka ahaa ciidanka xooga dalka ayaa ka qayb galay tababarka loo qabtay saraakiisha ciidamada dowlada ee Dhoobley.

Tababarkaan oo saraakiisha ciidanka ee ku sugan Dhoobley u socon doona sadex maalin ayaa waxaa lagu bari doona gabood falada ay caruurta la kulmaan xiliyada colaadaha,sida in caruurta la askareeyo oo loo adeegsado dagaalada,kufsiga, iyo in aan goobaha waxbaarshada iyo cafimaadka aan laga dhigan xeryo ciidan.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada colaadaha saameeyeen ee caruurta loo adeegsado colaadaha hubaysan,waxaana sanadihii danbe soo baxaysay wacyigalin ku aadan in aan caruurta la askaraynin iyo in hoos loo dhigo tacadiyada ay la kulmaan caruurta.