Xubno ka socda Guddida xalinta khilaafaad doorshooyinka oo u ambo baxay Garoowe

716

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland.

lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe si ay goobjoog uga noqdaan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, oo maanta halkaas ku qabsoomi doonta.