Wasaarada Ganacsiga Jubbaland oo ka hadashay waxtar-ka hay’adda taya-dhowrka Jubbaland.

823
Wasiirka ganacsiga Cabdinuur Cali aadan

Hay’adda tayo dhowrka Jubbaland ayaa bilowday tijaabooyin hordhac ah oo lagu ogaanayo  hanaanka shaqo  ee dhinaca ilaalinta tayada waxyaabaha  laga soo dajiyo dekeda magalaada Kismaayo.

Hay’addaan oo ka mida ah hay’adaha adeegyadooda mudo ka badan sodon sanno ka maqnaayeen dalka ayaa waxaa la filayaa in ay waxbadan ka qaban doonto dhinaca tayada waxyaabaha laga keeno dalka dibadiisa.Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo ka mida dadkii muda dheer ku howlanaa sidii loo hirgalin lahaa hay’adaan ayaan ka waraysanay waxyaabaha hay’adaan ka badali karto xaaladii hore ee jirtay.

Wasiir cabdinuur Cali Aadan ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeyey ay hay’adda qabanayso shaqooyinka dhinaca tayo-dhowrka hadana ay samaysay tijaabooyin hordhac ah laguna guulaystay.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee somaaliya ayaa waxaa dalka loo soo dhoofiya waxyaabo badan oo aan lahayn tayadii loogu talagalay maadama dalka uu ahaa mudo dheer dowlad la’aan.