Faadumo Faarax Aadan oo loo dhaariyey kursi ka mida barlamaanka Jubbaland.

1883
Ismaaciil Cali Cabdi ayaa qaday sawirkaan.

 

Faadumo Faarax Aadan(Faadumo nine ) ayaa maanta loo dhaariyey mid ka mida kuraasta xildhibaanada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Kursiga maanta loo dhaariyey faadumo ayaa mudo sanad ah waxaa ka tagnaa khilaaf u dhaxeeyey beesha ay ku matasho baarlamaanka Jubbaland,ugu danbayntiina maanta ayaa Faadumo loo dhaariyey kursigaas.

Faadumo ayaa sheegtay in kursigaan uu soo maray marxalado kala duwan balse maanta uu soo dhamaaday khilaafkii ka taagna kursigaan  loona dhaariyey iyada maanta oo isniin ah.

Gabadhaan ayaa horay uga mid ahayd xilidhibaanadii kowaad ee barlamaanka Jubbaland.