Madaxwaynaha dowlada Jubbaland oo dib ugu soo laabtay Kismaayo.

898

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa maalmahii lasoo dhaafay Safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Labada Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo.