Sanator Cabdullahi Shiekh Ismaaciil Fartaag oo ka hadlay amniga gobolka Gedo

990

Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in Gobolka Gedo oo ka mid ah gobolada ugu weeyn Soomaaliya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka buurtay dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in amni darrada kusoo kordhay degaannada Gobolka Gedo ay qeyb ka yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Gobolkaasi geysay.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in todobaadyadii la soo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ay weeraro ka geysteen Al-Shabaab, taasina uu sheegay inay ugu wacan tahay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadeysay xaalada Gobolka Gedo.