Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ruushka

88

Wasiirka arrrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo tallaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka β€œma degane” Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.