
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf(Timojilic) ayaa sheegay in jiraan dad magaalada ka wadda Jahwareer kuwaas oo dadka dan-yarta lacago kaga qaadanaya in guryo loo dhisaayo.
Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa radio Kismaayo u sheegay in ay jiraan qorshe wax loogu raadinaayo dadka danyarta ee aan awoodin in ay guryo dhistaan,qorshahaasna ay iskaashanayaan maamulka degmada iyo Madaxda hay’adda ka shaqaynaysa mashruuca.
Gudoomiyaha ayaa bulshada ugu baaqay in ka digtoonaadan dadka sida qaldan uga faa’iidaysanaya qorshahaas oo dadka ku dhahaya guryaan idiin qoraynaa ee lacag keena,waxaana dadka ugu baaqay in aysan lacagtooda ku bixin meel cidla ah.