Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay deegaanada galbeedka Kismaayo.

323

Roobabkii gu’ga ayaa ka curtay deegaanka Cabdalle Biroole iyo deegaamada hoos-taga,waxaana uu roobka deegaankaas ka da’aayey ilaa todobaadkii aan soo dhaafnay sida uu sheegay gudoomiyaha Cabdalla Biroole Mahad Nuur Ibraahim.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa horay uga jirtay abaar adag oo saamaysay dadka iyo duunyada.

Qaar ka midda dadka ku dhaqan deegaanka oo la hadlay Radio-Kismaayo ayaa sheegay in roobka ku da’ay uu ahaa roob lixaadle kaas oo ay kaga dhinteen xoolo kala duwan.

 Ceelashii biyaha ay ka cabi jireen dadka deegaanka ayey dadku  sheegayaan in biyaha Roobka ay aaseen.

Gudoomiyaha deegaanka Cabdalla Biroole Mahad Nuur Ibraahim  oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa ka warbixiyey Roobabka gu’ga ee ka da’ay degaankaas.

Deegaanka Biroole ayaa Kismaayo u jira ilaa 45km ,waxaana ku nool ilaa 1300 qoys oo ku tiirsan xoolaha.