Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo dhagax-dhigtay Garoon Cusub.

949

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa manta si wadda Jir ah u dhagax-dhigay Garoon cusub oo laga hirgalinaayo xaafada Midnimo oo dagan yihiin dadkii ka soo laabtay Xeryaha qaxootiga Dhadhaab Kenya .
Qaar ka midda dhalinyarada Xaafadda midnimo oo ah Dhalinyaradii ka soo laabtay Xeryaha qaxootiga Dhadhaab Kenya Ayaa soo dhaweeyey Garoonka Kubadda cagta ee Xaafada Dooda laga dhagax-dhigay.

“waan ku faraxsanahay garoon-kaan ay manta xaafada wasaarada dhalinyarada noo dhagax-dhigtay”sidaa waxaa Radio Kismaayo u sheegay mid ka midda dadka xaafada degan.
Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf(Timo-Jilic),waxaana uu sheegay in dhalinyarada Xaafada Midnimo ay fursad dhinaca Ciyaaraha ay u tahay Garoonkaan loo dhagax-dhagay.

Agaasimaha Guud eeWasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Ahmed ayaa sheegay in maanta ay si rasmiya u dhagax-dhigeen garoon kubada cagta oo gaar u noqonaya xaafada Madnimo.