
Maamulka Degmada Dhoobley iyo Hay’adda Taya-Dhowrka Jubaland oo iskaashanaya ayaa maanta magaalada Dhoobley ku gubay raashin dhacay oo aan ku habboonayn isticmaalka bulshada..
Tallaabadan ayaa lagu xaqiijinayaa ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka hortagga in suuqyada lagu iibiyo raashin dhacay.
Hay’adda Tayo-dhowrka Jubaland waxay bulshada ugu baaqaysaa inay ka feejignaadaan badeecooyinka dhacay, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo iibisa ama qaybisa alaabo aan tayadoodu wanaagsaneen.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







