DHAGEYSO:Madaxwayne Ku-Xigeenka labaad ee Jubbaland oo maanta ka qayb-Galay Munaasabada Sideeda Maarso.

978

Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa laga xusay maalinta Haweenka oo ah maalin caalamiya oo sanad-kasta Bisha Maarso Sideedeeda loo dabaal dego.

Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud(Luga-dheere ayaa ka qayb-galay munaasanada loogu dabaal dagaayey maalinta haweenka.

Munaasabada maalinta haweenka ayaa sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa,qaar ka midda Wasiirada wasaaradaha Jubbaland iyo Golaha wakiiladda Jubbaland.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Haweenka,Arimaha qoyska iyo xuquuqul Insaanka ayaa ugu horayn goobta ka hadlay.

“Maanta waa maalin wayn,waa maalintii haweenka,wasaarada haweenka Jubbaland waxaa u taagan tahay horumarinta haweenka Jubbaland”

Munaasabadan ayaa ah munaasabad ahmiyad gaar ah u leh haweenka,iyadoo looga hadlo caqabadaha iyo guulaha haweeenka Soomaaliyeed

Hoos Ka dhageeyso Codka Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland