DHAGEYSO:Wasaaradda Beeraha Jubbaland oo Agab- ku wareejisay Gudoomiyaasha Xaafadaha Kismaayo.

1067

Gudomiyasha xafadaha magalada kismayo oo Agab-kaan  lagu wareejiyey ayaa u mahad-celiyey Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka.

Agabkaan ay manta Wasaarada beeraha bixisay ayaa waxaa uu iskugu jiraa abuurka noocyadisa kala duwan, sida Yaan-yada, Bucorka, Barbarooniga Salar-ka,qalabka kale ee maanta la bixiyey ayaa waxaa lagu Beeraha oo ka kooban sida Yaanbada, masarta ,badeelka, gari gacanka, fargeetooyinka iyo dhaman agabka beerta lagu  qodo oo dhameystiran.

Gudomiyasha xafadaha  Kismaayo ayaa ugu horayn u mahadceliyey  wasarada Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ku amanay howsha ay qabatay  xafadaha kala duwan ee Kismayo.

“waan ku faraxsanahay agabkaan maanta wasaaradda nagu wareejisay,anaga waxaan u qaybinaynaa dadwaynaha Reer Kismaayo”

Agasimaha Wasarada beeraha iyo warabka Jubaland Cabdirashiid Cabdullaahi Mohamed ayaa ka hadlay agab-kaan iskugu jiro abuurka iyo dhamaan qalab-ka Beeraha, waxaana uu sheegay in qalab-kaan loogu tala-galay,xaafadaha Kismaayo si uga qayb-qaataan wax-soo-saarka Beeraha.

Hoos Ka dhageeyso Codka Agaasimaha Wasarada  beeraha