Wasaaradda cafimaadka Jubbaland oo qabtay Tababar looga hadlaayey Cudurka Qaaxada.

923

Tababar ay soo qaban qaabisay wasaarada Cafimaadka dowlad Gobaledka Jubaland ayaa loo qabtay dadka ka shaqeeya Xarumaha Cafimadka gaarka loo leeyahay iyo Xarumaha Hooyada iyo dhalaanka ee magaalada Kismaayo,waxaana dadka ka socday xarumahaasi laga wacyigalinaayey ka ganacsiga daawada qaaxadda.
Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay wasiirka Cafimaadka Jubbaland —- iyo xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Jubbaland.
Madaxa Cirib tirka   Cudurka qaaxadda Cabdullaahi Aadan Hassan ayaa ka hadlay dhibaatada uu leeyahay xanuunkaan qaaxada,hadii aan la marin hanaanka loo dajiyey.

Gudomiyaha Gudiga arimaha bulshada ee barlamanka Jubaland xildhibaan Shire Abdi Mohamed ayaa dhankisa ka hadalay asagoo shegay in cudurkaan qaaxada uu yahay mid facwayn, oo bulshda ku leh saamayn .
Wasirka Wasarada Cafimadka Jubaland mursal Mohamed kalifa oo isagu daah furay tababarkaan ayaa shegay in ay wasarada dignin ka soo sartay inaan daawada cudurka qaxada aan lagu ibin Karin,Goobaha gaarka loo leeyahay .
Mursal Mohamed kalifa wasirka wasaarada cafimadka Jubaland ayaa shegay in ay jiraan ilaa 14 afar xarumud oo bilashah bixiyana dawada cudurka qaxada kana diwan gashan wasarada cafimaadka Jubbaland.
Wasaaradda cafimaadka Jubbaland ayaa sanadkii aan soo dhafnay 2019 wareegto ay ku mamnuucayso Iibinta daawada Qaaxadda .