Kulan looga hadlaayey doorka haweenka Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay.

1211

Dood cilmiyeed uu soo qaban qaabiyey Ururka dhalinyarada Kalsan oo looga hadlaayey doorka haweenka Jubbaland ayaa lagu qabtay Kismaayo.

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa xooga lagu saarayey kaalinta haweenka Jubbaland ku leeyihiin arimaha Ganacsiga,warbaahinta, iyo hay’adaha gargaarka.

Kulan-kaan ayaa waxaa lagu marti qaaday oo hadaljeedin ku lahaa Xaliima Faarax Godane,Cadar Ismaaciil Juraati,Ilhaan Maxamuud Cabdi iyo Fatima Nuur oo ah gaabdh ka hadlaysay waxbaarshada gabdhaha.