Xulka Somaliya Oo Guuldaro Kala Kulmay Xulka Oman Laakiin Xiddigaha Xulka Somaliya Oo Helay Ixtiraamka Adduunka

122

Xulka qaranka Somaliya ayaa guuldaro kala kulmay xulka Oman kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup kana dhacay garoonka Jassim Bin Hamad Stadium.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab dar-dar leh oo uu xulka Somaliya ciyaar deg-deg ah ciyaarayay iyaga oo doonayay in ay Xulka Oman kaga horeeyaan goolka.

Dhanka kale xulka Oman ayaa si dagan u ciyaarayay isla markaasna doonayay in ay ciyaarta dajiyaan iyaga oo kubada ka haystay xulka Somaliya

Xulka Oman ayaa daqiiqadii 11-aad helay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga muhsen kaas oo xulkiisa u dhiibay Hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0.

Xulka Somaliya ayaa si qurux badan u ciyaarayay laakiin dhibaatada weyn ayaa ee xulka somaliya haystay ayaa ahayd in ay ku dhibaatoonayeen goolka hortiisa mar walba oo ay hor tagaan goolka ka muuqday khal-khal.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayuu xulka Somaliya helay fursadii ugu khatarsanayd kadib markii uu xiddiga Anwar oo badal ku soo galay helay kubad dahab ah goolka hortiisa laakiin waxa uu dhaafin kari waayay kubada goolhayaha xulka Oman

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya ka hadhay tartanka halka xulka Oman gaadhay wareega Group-yada laakiin xiddigaha xulka Somaliya ayaa helay Ixtiraamka adduunka kadib qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen.

Xigasho kooxda.com