
Dawladda Maraykanka oo Mar kale Dawladda Soomaaliya Ka Taageeraysa Dhinaca Ciidamada Militariga.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa afhayeen u hadlay oo la yirahdo Ryan uu soo saartay warbixin qoraal ah oo ay arrintaas kaga hadashay.
Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u bilowday taageeradii dhinaca ciidamada oo ay siin jirtay Dawladda Soomaaliya si ay u sii xoojiso hawl galada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab.
Wadanka Maraykanku waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in dawladda Soomaaliya ay xoogga saarto dib u habeynta iyo tayaynta laamaha amniga Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya awood dheeraad ah ugu helaan adkeynta amniga Soomaaliya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






