Jubbaland Oo Digniina U Dirtay Seeraar Iyo Xiddig

1504

Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay ka dambeysay dagaalkii maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, una dhaxeeyey ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwo taabacsan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay dooneysay in khalkhal amni ay ku abuurto wafdi ka socday dowladda Mareykanka iyo taliska Africom oo shalay gaaray magaalada caasimadda ku meel gaarka u ah Jubbaland ee Kismaayo.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii maanta rabashadaha ka sameysay Kismaayo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Jubbaland heegan Buuxa la geliyay si looga hortaggo weeraro kaga yimaada dowladda Soomaaliya.
Khilaafka ka dhex taagan maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa xoogeystay Sanadyadii bilihii ugu dambeeyay.