MadaxwaynahaJubbaland ayaa kulan la qaadanaya saacadaha soo socda safiirka Maraynkanka eeSoomaaliya

910

Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto,kuwaas oo ka Safray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah taliyaha guud ee taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, Stephen Townsend.

Mas’uuliyiintaan ayaa  lagu wadaa in madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland ay kulan kula-qaataan Kismayo.

Horay waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto,waxaana la sheegay in kulankaas uu horudhac u ahaa kulanka Maanta.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana sugaya ciidamada jubbaland ee daraawiish-ta iyo Booliska