Ilyaas Aadan oo ah Aabaha Caa’isha oo ka hadlay qisaasta ragii dilay Caa’isha.

1326

Aabe Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay Caa’isha oo aheyd Gabar 13 Jir ah oo bishii Febaraayo ee sanadkii tegay ee 2019 kufsi iyo dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo,maanta la toogtay laba ka mid ah rag lagu helay falkaas.

Ilyaas Aadan oo Warbaahinta kula hadlayay Boosaaso ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida uu u dhacay falka qisaasta ah ee lagu fuliyey raggaas,isla markaana isaga uu goobjoog ka ahaa Goobta lagu toogtey.

Waxaa jiray mid ka mid ah rag u xukuman kiiskaas in toogashadiisa dib loo dhigey,waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Eheladiisa in muddo 10 Cisha ah dib loo dhigo.