Labba ka midda Ragii lagu helay kufsigii & dilkii Caaisha Ilyaas oo la toogtay.

1041

Puntland ayaa saakay fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso waxaa uu xukun dil toogasho ah ku fuliyeen laba ka mid ah Saddex rag ah oo loo xukumay kufsigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas oo aheyd Gabar 13 jir ah.

Saddexda Ragga ah ee falkaasi loo heystay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige,hayeeshee dil toogasho lagu fuliyey Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige,halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey in la toogto C/salaan C/raxmaan Warsame.

Sababaha xukunsanaha saddexaad looga reebay saakay in la toogto ayaa waxaa lagu sheegay in uu codsadey Aabaha Dhalay Caai’sha ee Ilyaas Aadan in dib loo dhigo.

Raggan Saddexda ah ee loo heyso kufsigii iyo dilkii Caa’isho Ilyaas Aadan ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Si kastaba 24-kii February sanadkii 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 13-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo, kadib markii adeeg loo diray,hayeeshee maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay,waxaana dhacdadaas ay noqotay mid Bulshada Soomaaliyeed badankood ay ka fal celiyeen.