Wasiirka Amniga oo sheegay in xadhigiisu ahaa mid siyaasadeed

1062

Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan Cabdinuur oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay xadhigiisa u cuskatay arrimo siyaasadeed oo u gaar ah, isagoo sheegay in eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aysan waxba ka jirin.

Wasiirka ayaa beeniyay in uu wax dhibaato ah u geystay dad rayid ah, isagoo xusay in cidda keliya ee uu dhibka u geystay ay tahay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiir C/rashiid Janan uu kasoo baxsaday goob ay dowladda Soomaaliya ku xirtay, isagoo soo gaaray Kismaayo, waxaana hadda uu wasirku ku suganyahay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.