
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay dood wadaag muhiim ah oo u dhexeysa bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo masuuliyiinta Dowladda Jubbaland. Ka qeybgalayaashii doodda waxaa ka mid ahaa agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubada Hoose, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay madasha.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay maamul wadaag loo dhan yahay iyo ka hortagga hayb-sooca bulshada dhexdeeda. Waxaa sidoo kale la adkeeyey baahida loo qabo in bulshada ay si wadajir ah uga qeyb qaataan horumarinta deegaanka, iyada oo aan lagu saleynin kala sooc.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka, Dowladda Jubbaland Marwo Miski Yuusuf Cali, ayaa furitaanka doodda ka hadashay. Waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay dood wadaaga noocan oo kale ah iyo sida ay bulshada ugu dhiirrigelin karto isdhexgal iyo wadajir.
Agaasimeyaasha guud ee qaar kamid ah Wasaaradaha Jubbaland ee ka qeybgalay Kulanka ayaa tilmaamay in faquuqa iyo kala sareynta bulshada ay khilaafsan yihiin diinta Islaamka oo aan cidina cid kale ka sarreyn ilaa midka cabsida Alle la yimaado. Waxay sheegeen in loo baahan yahay in bulshada lagu wacyi galiyo fahamka saxda ah ee sinnaanta.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubada Hoose, Marwo Faadumo Aaden Kateela, ayaa diiradda saartay xaaladaha adag ee ay la kulmaan dadka la hayb-sooco. Waxay ku baaqday in la kordhiyo wacyigelinta bulshada si looga hortago faquuqa iyo eexda.
Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Jubbaland, ayaa dhankiisa ku boorriyey bulshada inay ka shaqeeyaan midnimo, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kala sooca iyo faquuq aysan hakin karin horumarka bulshada.
Kulankan ayaa noqday madal muhiim ah oo bulshada iyo masuuliyiinta ay ku wadaagaan fikrado ku saabsan xoojinta wadajirka, horumarinta fursadaha sinnaanta, iyo ka hortagga faquuqa. Waxaa si guud loo adkeeyey in bulshada reer Jubbaland ay si wadajir ah uga wada faa’iideystaan fursadaha horumarka ee jira.









