Dhageeyso: kaluumaysatada Kudhaa oo ka cabanaya dabaylo ka dhacaya xeebaha.

343

Kudhaa waxaa  ay ka mid tahay deegaanada xeebaha oo ay ka jilaabtaan dhalin yarada kaluumeysata si ay uga deberaan noloshooda iyo mida qoyskooda.

dhalinyarada ka kaluumeysato kudhaa ayaana waxaa ay ka cabanaayan dabeelo xoogan oo ay wayaan danbe laga dareemaayo gudaha bada.

Gudoomiyaha kudhaa oo la hadlay radio kismaayo codka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in dabeelaha ka jira bada xiligaane ay xoogan yihiin waxaa uuna intaasi ku daray dhoor jeer oo ay baaqyo in lagu caawiyo dhalinyarada ay direen balse ilaa iyo iminka aysan jawaab helin.

Gudoomiyaha kalumeysatada kudhaa oo dhankiisa la hadlay radio kismayo ayaa waxaa uu sheegay in dhibaato ay kala kulmaan bada marka ay dabeelaha jiraan isagoo carabka ku dhuftay in bada aysan guda usii geli Karin iyadoo dabeelo ay jiraan ayna usii dheertahay in maraakiib waween oo joogo guda badda ay ka baqayaan kuwaasi oo laga leeyahay dalal shisheeye

Dabeelaha ay ka cabanayaan kaluuleysatatda kudhaa ay waxa ay yihiin kuwa laga daeemaayo deeganaha ku teedsan xeebaha gobolka jubbada hoose marka ay dabeelu kacaane waxaa hoose u dhac  ku yimada tirade kaluunka laga soo saaro badda.