Ciidamada Booliiska oo Magaalada Jowhar Ka bilaabay Howlgalo Amniga lagu sugayo.

767

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi, loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro ah ka wada halkaasi.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay Jowhar, ,isla markaana ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada jowhar.

shacabka ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda

Magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa mararka qaar falal amni daroo,waxaana taliska Booliska uu sheegay inay amniga Magaalada xaqiijin doonaan