Odayaasha Galmudug oo bilaabay inay soo xulaan Xildhibaanada cusub

888

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabaya soo xulista Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono