Saciid Deni “Puntland qeyb kama aheyn xeerkii Batroolka ee laga ansixiyay Aqalka Sare

1081

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan sharciga batroolka Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

Saciid Cabdulaahi Dani, oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri “ Waxaad ogtihiin baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare, maalmihii u dambeysay waxaad maqasheen waxaa ay ansixinayaan xeerka Batroolka, dowladda Puntland haddii aan nahay waxaa si cad u sheegeynaa arrintaas laga ansixiyey aqalka sare iyo aqalka hoose, aaney Puntland qeyb ka aheyn.

Wuxuu uu u mahad celiyay senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland, isagoo ku ammaanay tilaabadii ay bannaanka uga baxeen meelmarintii sharciga batroolka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sidoo kale ka hadlay in sharciga doorashada qudhiisu la baalmaray hannaankii wadatashiga, oo loo baahnaa in lagu ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed .