
Dhalinyaradan oo uu dooqoodu ahaa in ciyaaraha kubadda cagta ayaan fursad u helin in ay si farxad leh ku dheelaan muddo sanado badan ah oo ay ku hoos noolaayeen kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab.
Kadib markii ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay deegaannadaasi ka xoreeyeen Al-shabaab waxaa dib usoo laabatay rajadii iyo farxaddii bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.
Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland iyo xiriirka kubadda cagta ayaa Tartan kubadda cagta ah u furay kooxo matalyay deegaannada Wirkooy, Sanguuni,Singalayr iyo Baarka.
Ciyaartii ugu horeeysay waxaa lagu daahfuray kooxaha Baarka iyo Singalayr, waxaana 2-0 ku badisay Baarka, Ciyaartii labaad ayaa dhexmartay kooxaha Wirkooy iyo Sanguuni, waxaana gool-ku-laad ku badisay kooxdii mataleeysay Sanguuni.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mashaariic kala duwan ka hirgelisay inta badan deegaannadii laga xoreeyay Al-shabaab, waxaana kamid ah adeegyadaasi, Goobo Caafimaad, Waxbarasho, Nalalka cadceedda ku shaqeeya iyo weliba adeegyo kale oo isugu jira gar-gaar bini’aadanimo iyo taageere dhanka wax soo saarka ah oo la gaarsiiyay dadkaasi.
Abadir abdulkadir Elmi
abaadir81@gmail.com